Imisa gobol oo koronto ah (elområden) ayaa ka jira Iswiidhan?
Iswiidhan waxay u qaybsan tahay afar gobol oo koronto ah. Korontada gobolka 1 waxa weeye woqooyiga dalka, halka korontada gobolka 4 ay ka tahay koonfurta.
Maxaa ay Iswiidhan ugu qaybsan tahay gobolo koronto ah?
Inta badan ee soo saarka korontada Iswiidhan waxaa laga soo saaraa woqooyiga, halkaasoo laga dhaliyo biyaha. Gobolkan, korontada lasoo saaro ayaa ka badan baahida. Xaaladu waa caksiga marka ay noqoto koonfurta dalka, halkaasoo isticmaalayaashu ay ubaahan yihiin koronto ka badan inta lasoo saaro. Iyadoo la eegayo kala duwanaanshiyaha wax soo saarka iyo baahida ee dalka gudihiisa, waxaynu ubaahanahay inaynu korontada ka qaadno woqooyiga oo gayno koonfurta.
Markasta oo korontada lagu gudbiyo shabakadda, waxaa jira daldaloolo, loo yaqaan “khasaare gudbineed”. Sidaa awgeed, waxaa fiican in loo qaybiyo soo saarka korontada si isku mid ah dalka oo dhan halkii kaliya lagu koobi lahaa koonfurta. Xuduudaha udhexeeya gobolada korontada waxa ay sidoo kale sheegayaan meelaha shabakadda qaranka ay awoodeeda inay ugudbiso korontada loo baahan yahay si buuxda ay xaddidan tahay. Ujeedada ka dambaysa kala qaybintu waxa ay tahay in laga dhigo mid faa’ido badan soo saarta si markaasi loo qaybiyo soo saarka korontada qaab isku mid ah tanoo markaasi iyaduna yaraynaysa baahida loo qabo gudbinta korontada.
Qaybintu waxay ka dhalatay kiiskii 2011, halkaasoo Iswiidhan lagagaga warbixiyay Maxkamadda Yurub waayo mararka qaar, waxa aynu xaddidnay udhoofinta korontada Denmarka maalmo jiilaal oo qabaw.