Sidee ayaa aan uyarayn karaa korontada aan guriga?

Maxaa uu yahay “isticmaalka tamarta ee caadiga ah” ee guriga lagu isticmaalo?

Isticmaalka tamartu waa uu kala duwanaan karaa si wayn marka guryaha la is barbardhigo. Waxaa saameeya arrimaha ay ka midka yihiin nooca kulka ee ay isticmaalaan, halka ay dalka kaga noolyihiin, qadiiminida guriga, iyo inta qof ee ku nool guriga.

Guriga caadiga ah ee ay toos ugu xidhan tahay korontadu (kulka korontada) waxa uu isticmaalaa 20,000-25,000 kilowatt saacadood (kWh) sannadkiiba celcelis ahaan. Haddii aad isticmaasho nooc kul ah oo aan ahayn kan tooska ugu xidhan korontada – tusaale ahaan, kulka degmada, air heat pump ama geothermal heating – markaasi korontada aad isticmaashaa waxa ay caadi ahaan noqonaysaa 5,000 kWh sannadkiiba, tanoo udhaxaysa rubuc ama hal meel shan meelood xaddiga “korontada tooska ah”. Si kale marka loo dhigo, haddii aad isticmaasho korontada tooska u xidhan oo aadna doonayso inaad yarayso korontada aad isticmaasho, sida ugu fiican ee aad sidaasi usamayn kartaa waa inaad uwareegto qaab kale oo kulaylin ah.

Maxaa uu yahay “isticmaalka tamarta ee caadiga ah” ee guri apartment ah lagu isticmaalo?

Korontada lagu isticmaalo apartment-yada si weyn ayaa uu ukala duwan yahay waxaana jira waxyaabo badan oo saamayn kara. Shirkada koroontada Bixia ayada oo qayb ka ah Tekniska verken, waxay daabeceen maqaal ay ku sharraxayaan fikradaha ay ka midka yihiin “isticmaalka celceliska ah”. Waxa ay sidoo kale eegaysaa dhinacyada kale ee ay fiican tahay inaad ogaato haddii aad ku nooshahay apartment. Akhri maqaalka Bixia ee ku saabsan isticmaalka korontada ee loogu talo galay dadka ku nool apartment.

Sidee ayaa aan u arki karaa istcmaalka korontada?

Haddii aad ka mid tahay macaamiishayada, waxa aad la socon kartaa xisaabaadka adeegyada aad isticmaasho iyadoo bil ilaa bil ah adoo ka eegaya Boggayga (Mina sidor). Haddii Bixia tahay shirkadaada korontada, waxa aad sidoo kale kala socon kartaa isticmaalka korontada Boggayga (Mina sidor). Shirkadaha kale ee korontadu waxay badanaa bixiyaan xulasho la mid ah.

Shan waxyaabood oo ku saabsan sida loo yareeyo tamarta kulka ee aad isticmaasho

Haddii aad isticmaasho wax aan ahayn kulka degmada si aad u kulayliso gurigaaga, waxaa jira dhowr waxyaabood oo aad samayn karto si aad uyaran karto kulka aad isticmaashid.

1. Hoos u dhig heerkulka

Isku day inaad yarayso heerkulka guirgaa hal ama laba digrii. Haddii aad ku nooshahay guri, halka digrii ee aad hoos u dhigto heerkulku waxa uu yaraynayaa korontada aad u isticmaasho kulaylinta ku dhawaad shan boqolkiiba. Waxaa sidoo kale fiicnaan kara inaad xoogaa hoos u dhigto heerkulka qolkaaga hurdada ka hor inta aadan seexan. Fikrad kale oo fiican waxa ay tahay inaad sii yarayso qolalka aadan isticmaalin, ama haddii aad kaba maqan tahay dhowr cisho.

2. Ka dhig gurigaaga mid aanu qabawgu soo geli karin

Haddii aad doonayso inaad yarayso korontada aad isticmaasho iyo lacagta aad bixisidba, waa fikrad fiican inaad gurigaaga kasii dhigto mid qabowga iska celin og. Dabool daaqadaha ama albaabada soo gelinaya qabawga – hana illaabin inaad albaabada terrace-ka ah! Haddii aad leedahay guri saqaf sare oo uu kasoo galayo qabawgu, ku dhawaad 15 boqolkiiba kulka aad isticmaashaa waxa uu ka bixi karayaa saqafka.

3. Ka saar hawada qaboojiyayaasha siina bannaan ku filan

Hubi in qaboojiyayaashaadu iyo kulayliyayaashu inay ushaqaynayaan sidii loo baahnaa hubina in aan kor loo dallicin iyadoon loo baahnayn. Ka saar hawada qaboojiyayaasha si heerkulka gurigu isugu mid unoqdo. Hubi in qalabka guriga aanu udhawayn xagga hore ee qaboojiyayaasha, hana ku daboolin daahyada culus ee dhaadheer. Kulku waxa uu ubaahan yahay in uu ku wareego guriga iyada oo aan waxba horistaagayn.

4. Hawada si dhakhsiyo ah usaar - albaabadana xidh

Isticmaal qaabka dabiiciga ah ee hawo saarista (draught) halkii aad ka isticmaali lahayd maraxawad si aad gurigaaga uga saarto hawada ama si aad heerkulka hoos ugu dhigto marka ay dibaddu kulushahay. Ha hilmaamin inaad xidho albaabada meelaha qabaw xaqiijina in aanad ka tagin daaqadaha iyagoo furan iyadoon loo baahnayn inta jiilaalka lagu jiro.

5. Si wacan uga faa’idayso daahyadaada

Haddii aad hoos u sii jiido daahyadaada oodna xidho habeenkii, tani waxay ku ilaalin doontaa kulka gudaha guriga.

Yaree qarashka korontada ee gurigaaga

Halkan, waxa aanu kaa caawinaynaa inaad ogaato “waxyaabaha korotada aadka u isticmaala” ee qaarsoon ee goobaha kala duwan ee guriga kuuna sharrixi doonaa waxa aad samayn karto si aad ula tacaasho.

Ka ilaali oo haku dayn “standby”

Waxa aad dhimi kartaa illaa 200 kWh sannadkiiba adiga oo daminaya gabi ahaanba qalabka korontada. Tilmaan fiicani waxay tahay inaad isticmaasho fiish leh damin/daaris si aad u damin karto dhowr qalab mar kaliya.

Ka saar dabeeyayaasha godka fiishka

Int uu ku jiro dabeeyuhu godka fiishta, waxa uu sii wadi doonaa isticmaalka korontada (in kastoo aanay ubadnayn sida marka kale). Tani waxay ku habboon tahay dhammaan dabeeyayaasha – moobilada, cadayga korontada ah, iwm. Taa waxa dheer, dabeeyayaashu waa ay kulayl dhaafi karaan keeni karaana khattar dabeed.

Dooro elekteroonigga energy-smart-ka ah

Eeg calaamada tamarta marka aad iibsanayso nadiifiyaha, TV-ga, tallaajadda ama qalabka kale ee guriga tanoo kaa caawin doonta inaad doorato qalab tamar badan aan isticmaalayn. Waxa aad xog dheeri ah ka ogaan kartaa calaamadaynta tamarta ee Swedish Energy Agency (Energimyndigheten).

Miyaa ay tahay mihiim oo mihiim inaad noocii ugu dambeeyay haysato?

Qalabka eleckteroonigga ah ee dhawaan la sameeyay waxay saamayn wayn ku leeyihiin cimilada. Miyaa aad ogtahay in laptopka cusub uu soo saaro ku dhawaad 1,200 kg oo qashin ah marka la samaynayo, lagu ridayo kartoon lana qaadayo – iyo marka uu elekteroonig bilaa faa’ido ah noqdo marka muddadii uu shaqaynayay soo gabagabawdo? Moobilka cusubi waxa uu soo saara 86kg oo qashin ah. Sidaa awgeed marka soo socota ee aad doonayso inaad iibsato qalab elekteroonig ah oo cusub, ka fakar inaad kaagii hore iskasoo hagaajisato halkii aad mid kasoo iibsan lahayd ama inaad heli karto mid la isticmaalay adoo ka raadinaya bogagga “iibi iibsona”.

Bilaw isticmaalka laydhadh aan tamar badan isticmaalayn

LED, halogen ama laydhadhka tamarta yar ayaa ah xulashooyinka ugu fiican. Laydhka LED-du waxa uu isticmaalaa 80 boqolkiiba koronto ka yar waxaana uu kuu shaqaynayaa 25 jeer in ka badan laydhka caadiga ah.

Ku xidh laydhka goobta ku habboon

Aad ayay mihiim utahay in lagu xidho laydhka goobta ku habboon. Ku xidho laydh xooggan goobaha aad ku shaqayso mid khafiif ahna goobaha kale. Tani kaliya ladh fiican kuma siinayso laakiin waxay sidoo kale yaraynaysaa isticmaalka korontada. Qolalka ku leh laydhadhka midabka ah gidaarada ama sagxadda uma baahna laydh u badan sida qolalka madow.

Dami laydhka marka aadan u baahnayn

Si aad u yarayso isticmaalka korontada, markasta dami laydhka marka aad ka baxdo qol. Miyaad u baahan tahay caawimo si aad u xasuusato samaynta arintaan? Dhowr wax oo ku caawiya ayaa diyaar ah oo ay ka mid yihiin dareemayaasha laydhka, dareemayaasha dhaqdhaqaaqa, timers, smart lighting solutions oo aad ka maamuli kartid applikayshanada taleefankaaga.

Ka fakar laydhka dibadda

Marka ay noqoto laydhka dibadda, waxa aad xidhan kartaa dareemaha madawga (twilight sensor) kaasoo bakhtiinaya laydhka marka ay maalin noqoto ama dareeme dhaqdhaqaaq (motion detector) kaasoo laydhka siraadaya marka qof usoo dhawaado halka laydhku ku xidhan yahay. Tan macneheedu waxa weeye in laydhka dibaddu aanu iska shidnayn iyadoon loo baahnayn.

Si dhakso ah u qubayso

Waxa aad yarayn kartaa biyaha isticmaasho iyo lacagta aad bixiso marka aad wakhti yar ku qaadato qubaysiga. Qubaysiga tobanka daqiiqo ah caadi ahaan waxa uu isticmaalaa 5 kWh iyo 120 litir oo biyo kulul ah. Tilmaan fiican ayaa ah inaad biyaha xidho marka aad ismarinayso saabuunta.

Yaree kulka kaaga soo baxaya sagxadda

Celcelis ahaan, kulka sagxaddu waxa uu isitcmaalaa inta udhaxaysa 150 iyo 300 kWh mitir iskuweerkiiba sannadkiiba. Marka aad hoos u dhigto kulkaasi dhowr digeree – bahktiisana gabi ahaanba marka aad ka maqan tahay – waxa aad yarayn kartaa korontada aad isticmaasho adiga oo aan ku raaxaysiga gurigaagu isbeddelayn.

Iska tuur birta tuwaalka kulaylisa

Dad badan ayaa birta kulaylisa tuwaalka ka taga iyadoo siraadan 24ka saacadood ee maalintii, ha illaabin inaad damiso marka aanad isticmaalayn. Ama maxay tahay sababta aad isagaba tuuri la’ dahay gebi ahaanba? Tuwaaladu si wacan ayaa ay isooga qallalaan iyaga oo aan kul u baahanin. Birta tuwaalka kulaylisa ee xajmigeedu caadiga yahay waxay isticmaashaa ku dhawaad 60 W maalintii.

Madaxa tuushka qubaysiga ee biyaha yareeya

Marka aad ku baddasho madaxa tuushka nooc biyaha yareeya, waxa aad hoos udhig kartaa 50-80 boqolkiiba labadaba biyaha aad isticmaasho iyo qiimaha kulaylinteeda (tanoo ku xidhan nooca madaxa tuushka ee aad isticmaasho).

Ku ilaali taallaajadaada iyo qaboojisadaba heerkulka saxda

Hubi inaad ku dayso heerkulka saxda ah labadaba talaajadayio qaboojisadaba. Heerkulka lagu talo bixinayo inay tallaajadu ahaataa waa +4-5 degree Salshiyas, halka marka ay qaboojisada noqoton ay tahay 18 degree. Degree kasta oo aad sii qaboojisaa waxa uu kordhiyaa tamarta la isticmaalyo ku dhawaad shan boqollkiiba. Cunnadaadu dibadda ha ku qabawdo ka hor inta aanad tallaajada ama qaboojisada ku ridin.

Buuxi weel dhaqaha

Markasta buuxi weel dhaqaha ka hor inta aanad barnaamij ka shaqaysiin doorono heerkul hooseeya marka aad wax maydhayso – tani ayaa caadi ahaan ku filan si ay usoo saarto natiijo fiican oo ku habboon.

Nadiifi xagga dambe ee tallaajadaada

Condenser-ka dhaska lihi waxa uu kordhin karaa isticmaalka korontada illaa 25 boqolkiiba.

Si maskaxi ku jirto u kulayli biyaha

Xasuusnow inaad dusha ka xidho maqliga marka aad biyaha ku kulaylinayso, waayo tani kaliya waxay u baahan tahay saddex meeloodow meel marka la barbardhigo marka daboolku ka qaadan yahay. Fikrad kale oo fiican ayaa ah inaad isticmaasho klidhi elekteroonig ah si aad ugu kulayliso biyaha aad wax ku karsanaysid – tani waa ay ka dhakhso badan tahay tamar yarna waa ay isticmaashaa.

Buuxi mashiinka dhar dhaqista

Markasta oo aad dhar dhaqayso buuxi. Haddii mashiinku buuxo iyo haddii uu badh buuxaba marka aad dharka ku dhaqayso, waxay ay weli isticmaalaysaa koronto isku mid ah. Haddii dharka aad dhaqayso uu ku jiro mid aad hal mar ama laba mar xidhatay, waxaa ku fillaan kartaa inaad laydhiso halkii aad ka maydhi lahayd.

Iska daa dharku aad dhaqday iskood ha uqallalaane

Hawada ku qallaji dharka aad dhaqday – caadi ahaan dibadda adigoo ku wadhaaya – halkii aad ka isticmaali lahayd drying cabinet ama tumber dryer.

Isticmaal barnaamijka dhaqaalaysiga

Isticmaal barnaamijka dhaqaalaysiga ee mashiinka wax lagu dhaqo si ugu dhaqdo dharka woxooga uu uskagga ah. Tani waxay isticmaashaa koronto yar dhaqistna si dhakhso ah ayaad u dhammanaysaa. Kaba saarna dhaqidda hore meesha, hadii ay suurto gal tahay.

Ku dhaqo heerkul hooseeya

Ku dhaqo heerkul hooseeya marka ay macquulka tahay. Doorashad 40 digrii halkii aad ka dooran lahayd 60 degree waxay yarayn kartaa korontada aad isticmaasho ku dhawaad badh. Ka eeg qaabka loo dhaqaayo dharka maryaha dushooda.

Sidee ayaa aad qaab maskaxi ku jirto ugu isticmaali kartaa korontada 24ka saacadood ee maalintii

Waxaa sidoo kale jirta suurtogalnimada ah inaad u qaybiso qaab isku mid ah korotada aad saacadaha maalintii oo dhan isticmaahso. Tusaale ahaan, waxa aad weel dhaqaha isticmaali kartaa habeenkii ama waxa aad qorshayn kartaa inaad gaadhigaaga elekterigga ah dabayso habeenkii guud ahaan. Qaabkani, waxa aad usoo kici kartaa koobabkaagaa iyo saxanadaada oo dhaqan subaxii – iyo gaadhigaaga oo dabaysan – sidoo kalena waxa aad yaraynaysa culayska aad saarayso shabakadda korontada (elnätet).

Haddii heshiiskaagu ku salaysan yahay qiimaha saacad saacadda ah, waxa aad sidoo kale ka faa’idaysan kartaa xaqiiqada ah in qiimaha hadda (spotpriset) uu yahay caadi ahaan mid hooseeya habeenkii. Halkan riix si aad wax badan uga akhrido qiimaha hadda (spotpriset) .

Intee in le’eg ayaa kilowattka saacadiiba (kilowattimme – kWh) ku fuilan yahay?

Ma ogtahay caddadka korontada aad maydhashada subixii u isticmaasho? Ama inta korotada ah ee tuwaalka la kulayliyay uu sida saxda ah u isticmaalo? Baro oo u ogoow korontada aad isticmaasho si aad uxeel dheer waxaadna ogaataa inta qalab koronto ee kilowatt saacadiiba (kWh) uu ka shaqaysiin karo iyo muddada uu ka shaqaysiin karo - gurigaaga.