Maxaa uu yahay qiimaha hadda (spotpris)?

Kalmad ka noqotay caan dadka wada sheekaysigooda ee hadda ayaa ah qiimaha hadda. Laakiin taa macneheedu maxay tahay? Marka si fudud loo dhigo, “qiimaha hadda” waa qiimaha ay kusoo iibsadaan korontada shirkadaha korontadu. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha hadda waxa uu ka kooban yahay dhowr qaybood kuwaasoo aanu hoos ugu sharraxayno tallaabo tallaabo.

Qiimaha hadda waxaa la dajiyaa saacadiiba iyadoo ay dajiso Nord Pool, isku baddalka korontada ee Nordic, iyadoo ku salaynaysa soo saarka iyo baahida. Qiimaha hadda ayaa ka dib loo isticmaalaa xisaabinta qiimaha shirkadda korontada ay innaga innagaga iibiso – isticmaalayaasha – ee shabakadda korontada (elnätet).

Qiimaha korontada aad isticmaashaa kuma salaysna kaliya qiimaha hadda. Waxaa sidoo kale go’aamiya arrimo kale sida cashuurta tamarta (energiskatt), VAT iyo qarashka gudbinta iyo qaybinta (elnätsavgifter).

Yaa go’aamiya qiimaha hadda?

Annagoo la hawl galayna dalalka jaarka – Denmark, Finland, Norway and the Baltic States – Iswiidhan waxay samaysay suuq koronto oo la wadaago halkaasoo qiimaha lagu dajiyo Nord Pool, isku baddalka korontada ee Norc. Inta badan ee ganacsiga korontada (elhandel) ee Iswiidhan waxaa la dhex mariyaa Nord Pool. Qiimaha ay Nord Pool dajisaa waa qiimaha hadda.

Sidee ayaa loo dajiyaa qiimaha hadda?

Haddii baahidu hoosayso inta badan oo korontada laga dhaliyo hawada iyo biyaha, qiimuhu waa uu jabaa. Haddii, taa caksigeeda, baahidu ay sarrayso inta badan ee korontada laga dhaliyo awoodda nuclear-ka ama ilaha kale ee tamarta ee qarashka wax soo saarkoodu sarreeyo, qiimuhu waa uu kacaa.

Qiimaha hadda waa uu sarreeyaa inta maalinta lagu gudo jiro marka shirkaduhu ay shaqaynayaan, waana uu hooseeyaa marka isticmaalka korontadu uu hooseeyo. Qaanuun guud waxaa ah, qiimaha hadda waa uu hooseeyaa marka ay cimilada iska dhexdhexaad tahay qoyan tahayna, halka cimilada qabaw ee qallalan ay kordhiso qiimaha hadda.

Qiimaha hadda waxaa lasii dajiyaa maallinta oo dhan xillliga qadada – tanoo u qaybsan saacad saacad maalmaha soo socda oo dhan.

Arrimehee ayaa saameeya qiimaha hadda?

Qiimaha hadda waxaa saameeya dhowr arrimood. Tusaale ahaan, qiimaha waxaa saameeya baahida iyo soo saarka, sida uu ubuuxo kayda Iswiidhan, hawada dhacaysa sida ay uxooggan tahay, iyo heerkulka dibadu sida uu yahay.

Halkan waxaa ah tusaalayaala kale oo arrimaha saameeya qiimaha hadda ah:

  • awoodda laga helaayo warshada awoodda nuclear-ka ee Iswiidhan
  • qiimaha agabka
  • go’aamada siyaasadeed.

Sidee ayuu qiimaha hadda ii saameeyaa aniga?

Qiimaha hadda waxa uu guud ahaan saameeyaa dadka gala heshiiska qiimihiisu isbedbeddelaayo (rörligt elavtal). Markasta oo qarashka shirkadaha korontadu ay bixinayaan kordho Nord Pool-ka, markasta oo ay badato qarashka aad isticmaale ahaan siinayo shirkada korontada. Haddii aad ku jirto heshiiska qiimihiisu isbedbeddelaayo, qarashka adiga lagugu soo dallacayaa waxa uu ku xidhan yahay isbeddelka ku dhaca qiimaha hadda, tanoo macneheedu tahay waa ay kordhi karaa hoosna waa ay udhic kartaa. Haddii aad ku jirto heshiiska korontada ee qiimihiisu go’an yahay (fast elavtal), kuma saamayn doonaan qiimaha isbedbeddalayaa laakiin waxaa suurtogal ah inaad bixiso lacag baddan marka muddada dheer la eego.

Qiimaha hadda waxaa saameeya gobolka korontada (elområde) ee aad ku nooshahay, waayo qiimuhu waa uu kula duwan yahay gobollada kala duwan. Isticmaalka korontada waxa uu ku sarreeyaa koonfurta Iswiidhan marka la barbardhigo woqooyiga, halka soo saarka korontada ee woqooyiga Iswiidhan uu ka badan yahay baahida koronteed ee gobolka 4 (koonfurta). Sidaa awgeed, xaddi badan oo koronto ah waa in laga soo gudbiyaa woqooyiga dalka oo loosoo gudbiyaa koonfurta, tanoo ay macneheedu tahay in qiimaha hadda uu caadi ahaan ku qaalisan yahay Koonfurta Iswiidhan marka labarbardhigo gobollada woqooyi. Ka ogoow xog dheeri ah gobolada korontada ee Iswiidhan

Qiimaha hadda waxa uu guud ahaan saameeyaa dadka ku jira heshiiska qiimihiisu isbedbeddelaayo. Marka uu arrinku sidan yahay, qiimaha ay bixiyaan waxa uu ku xidhan yahay qiimaha hadda iyo korontada ay hadda isticmaalaan. Taa caksigeeda waxaa ah, dadka heshiisyadooda korontadu yahay ka qiimihiisu go’an yahay waxay bixiyaan qiime isku mid ah kWh-kiiba bil kasta. Taa waxaa dheer qarashka cashuurta, VAT-ka iyo qarashka ay kugu soo dallacayso shirkadda korontadu mulkiilaha shabakadda korontada (elnätsägaren).

Qarashka korontada ee aad bixisaa sidaa awgeed waxa uu uqaybsamaa saddex qaybeed: qarashka aad siiso shirkadda korontada, lacagta gudbinta shabakadda korontada (elnätet)  iyo cashuuraha iyo lacagaha ay tahay inaad siiso maamulada maxalliga ah iyo gobolka Iswiidhan. Qiimaha haddda waxa uu saameeyaa qiimaha qarashka aad siiso shirkadda korontada. Ka ogoow xog dheeri ah qarashka korontada ee aad bixisaa halka uu ka imaado.

Miyaa aan dhimi karaa qarashka qiimaha hadda si aan lacag ula hadho?

Haddii aad gashay heshiis ku salaysan qiimaha saacadda, waxa aad ka faa’idaysan kartaa saacadaha qiimahoodu hooseeyo. Nord Pool waxay dajisaa qiimaha hadda ee maalinta soo socota ku dhawaad hal maalin kahor.

Tan macneheedu waxa uu yahay inaad fursad uleedahay inaad saamayso qarashka aad bixiso adigoo eegaya marka inta maalinta lagu gudo jiro uu qiimuhu hooseeyo. Guud ahaan marka loo hadlo, qiimaha hadda waxa uu hooseeyaa inta lagu gudo jiro habeenkii marka la barbardhigo maalintii, waayo isticmaalka korontada ayaa yar, tani markaasi waa wakhti fiican oo ay tahay inaad qorshaysato dhaqidda weelka ama dharka. Si aad lacag ukaydsato, waxa aad weel dhaqaha isticmaali kartaa habeenkii halkii aad maalinta ka isticmaalaysay.