Taageerada qiimaha korontada (Elprisstöd) ee ka imanaysa dawladda – tani waa waxa la samaynayo
Hawlwadeenka nidaamka gudbinta korontada ee Iswiidhan – “Svenska kraftnät” – waxa uu sheegay in dhammaan isticmaalayaasha korontadu ee leh heshiisyadooda ugaarka ah ee gudibinta iyo qaybinta korontada gobolladooda (elområde) ee 3 iyo 4 waxa ay heli doonaan taageero si ay uga caawiso inay la tacaalaaan qiimaha korontada ee aadka usarreeya. Shabakaddeena korontadu waxay gashaa korontada gobolka (elområde) 3 sidaa awgeed waxa aad xaq u leedahay inaad hesho taageero.
Inta lacag ah ee aad helayso waxaa la go’aaminayaa iyada oo lagu salaynayo:
- inta koronto ah eekorontada u xidhan (elanläggning) meesha aad degentahay/gurigaaga hadda uu isticmaalay intii u dhaxaysay muddada Oktoobar 2021 illaa Sibtambar 2022.
- korontada gobolka (elområde) aad ku nooshahay. Shabakadeena korontadu waxaa iska leh korontada gobolka (elområde) 3 (SE3), halkanoo lacagta lagu taageerayaa ay gaadhi karto illaa 0.50 kWh-kiiba la isticmaalo.
Ka ogoow xog dheeri ah taageerada qiimaha korontada (xogtu waxa ay ku qoran tahay afka Iswiidhishka)