- Språk
- معلومات باللغة العربية
- Tietoa suomeksi
- اطلاعات بزبان فارسی
- Simplified English
- Warbixin ku qoran af-soomaali
- Lätt svenska
Warbixin ku qoran af-soomaali
Biyo
Wadanka Iswiidhan biyaha qabow ee qasabada waxa weeye raashin oo waad cabi kartaa. Biyaha kulul waxa loogu talo galay in wax lagu dhaqo, wax lagu xalo ama lagu qubaysto. Sababta aanay u haboonayn in aad cabto biyaha kulul waxa weeye in ay ku jiri karaan hadhaaga birta naxaasta iyo biraha kale ee ay ka sameysan yihiin beebka/tuunbada qaada biyahu.
Qashinka
Kala saar qashinkaaga. Qashinka ”Khatarta” waa hadhaaga kiimikada ah iyo saliida, qalabka elektroniga ah iyo laanbadaha nalka ee kala duwan. Kala saarida qashinka waxa ay taalaa meelaha dukaanada cuntada agtooda ee Linköping. Qashinka u baahan in aad kala saarto waa qalalka wax lagu soo rido ee birta ah, caaga ah, wargaysyada, kartoonada iyo quraaradaha. Fursada ayaa kuu furan in aad gayso qashinkaaga meelaha dib looga faa’iidaysto ee Malmen, Ullstämma iyo Gärstad. Wax kasta oo la kala saaro waxa dib looga sameyn doonaa wax cusub.
Dhamaan qashinka aan dib looga faa’iidaysan karin sida qashinka guryaha iyo ka warshadaha waxa laga sameyn doonaa tamar iyada oo lagu gubo Gärstadverket oo ah meesha qashin gubkeena. Qashinku waxa uu noqonayaa koronto iyo kulka guryaha lagu isticmaalo.
Kulka guryaha lagu isticmaalo
In ka badan boqolkiiba 90 dhamaan guryaha Linköping waxa ay leeyihiin kulka guryaha lagu isticmaalo si ay guryaha ugu diirsadaan iyo si ay biyaha u kululaystaan. Kulka guryaha lagu isticmaalo waa biyo ilaa 100 digrii la kululeeyay oo lagu kulayliyo Gärstadverket iyada oo markaa loo qaado dhinacyada Linköping iyada oo la adeegsanaayo mareeno ay biyahu raacaan oo 500 kiilomitir dhererkoodu yahay. Kadibna waxa lagu kululeynayaa marlabaad Gärstadverket. Kulka guryaha lagu isticmaalo waxa uu u wanaagsan yahay deegaanka oo hawada magaalada waa ay ka sii wanaagsana doontaa marka la garab dhigo hadii qof lalba uu gurigiisa haysan lahaa girgire uu gurigiisa iyo biyahiisa ku diirsado.
Gaasta dabiiciga ah
Linköping waxa ku yaala dhismaha ugu weyn ee gaasta dabiiciga ah. Gaasta dabiiciga ah waxa laga sameeya hadhaaga warshadaha cuntada sida tusaale ahaan qashinka kawaanada hilibka. Gaasta dabiiciga ah ee gaasta metanoolsha loo yaqaan oo sameysanta marka lagu burburiyo qolka lagu qudhmiyo. Marka la sifeeyo waxa ay noqotaa gaasta dabiiciga ahi shidaal aad u wanaagsan, oo maanta waxa ku socda ilaa 70 basas ah, 1200 baabuur yar yar ah, baabuur tagsi ah iyo baabuurta qashinka qaada oo magaalada Linköping jooga. Waxa jira Linköping shan kaalmood oo laga qaato. Digada dabiiciga ah oo hadhaaga marka la qudhmiyo ka sameysanta waa digo wanaagsan oo lagaga maarmo digada la soo dhoofiyo/dajiyo ee beeraha lagu isticmaalo.
Bulaacda
Dhamaan waxa biyo bulaacada guryaha ama warshadaha ka yimaada waxa lagu nadiifiyaa xarunta safaynta biyaha. Biyaha bulaacada waxa ay ka yimaadaan biyaha weelka lagu dhaqo, kuwa lagu maydho, musqusha iyo faroxalka. Dhamaan biyaha roobka ee ka soo dhaca saqafka waxa ay ku dhacaan biyo shubka ugu dhow iyaga oo aan dib loo sifeyn.
Waa mihiim in musqusha aad u adeegsato kaadi, saxaro iyo warqada la iskaga masaxo oo kaliya, ha ku ridin xashiish kale ha ahaado dareere ama wax adagba. Xasuusnow wax iska baaba’aa ma jiraan! Asbuuc walba dadka shaqaaluhu waxa ay ka nadiifiyaan mareenada istaaga qashin ka badan 10 tan. Waxa muhiim ah in biyaha la sii daayo iyaga oo nadiif ah, biyaheena bulaacadu dib ayay ugu noqdaan Östersjön iyaga oo biyo la cabo u noqon doona magaalo kale.